gadabuursi iyo samaroon waa laba magac oo kala duwan laakiin dadka qaar waxay u haystaan inuu hal magac yahay .gadabuursi waxaa la yidhaa marka samaroon walaalihii lagu daro , samaroon walaalihiina waa IBRAAHIM SICIID oo ah gobe, JIBRIIR SICIID oo ah jibraacin , CUMAR SICIID oo ah cumar gacalquud, IYO XEEBJIRE SICIID INTAAS WAXAA LA ISKU YIDHAA GADABUURSI.
samaroon wuxuu u kala baxaa YUSUF SAMAROON waa curadkii samaroon oo waxaa loo yaqaan habaryeesif, CIISE SAMAROON waa reer ciise, SUBEER SAMAROON iyo MAKADOOR SAMAROON afartaas nin waxaa ay yihiin ilmo samartoon .
markaa sidaas ayey u kala duwan yihiin samaroon iyo gadabuursi. samaroon waxaa koriyey walaalkii ka weyn markuu aabihii dhuntay isagoo jira 5 sanno, waxaa kuriyey gobe siciid oo ah curadkii siciid .gobe wuxuu mudanyahay in ilma samaroon ay ixtiraamaan oo ay sharfaan waayo waa aabahood oo kale isaga ayaa koriyey walaalkii samaroon .
cumar siciid dad badan oo gadabuursi ah ayaan garanaynin sidaas darteed waxaan inigula talin lahaa inta ay awowyaashiin noolyihiin orda oo soo weydiiya. cumar siciid waa cumar gacal quud oo habaar ayaa kaga dhacay gobe ka dib markuu samaroon oo lix sanno jira ayuu daad raaciyey si uu u dhinto oo xoolihiisa uu u qaato ka dib waxaa habaaray gobe, 9 nin ma dhaafaan waxay la dhiig baxaan gobe ee soo barta.
- habarcafaan waa ayo? waa imisa beelood oo isku tegay? barro waa tolkaaye , waxaa weeyi beelo sameystay gaashaanbuur ilbaxnimo darteed oo midoobay kuwaas oo abtirsiin ahaan isku noqon karo adeero iyo awoowba.waa tan ee baro tolkaa,,,,,GOBE SICIID oo ah curadkii kow dheh
- xeebjire siciid
- jibraacin siciid
- cumar siciid—gacalquud
- yusuf samaroon siciid—habaryeesif
- ciise samaroon siciid—reer ciise
- muusafiin oo ah tafiirta subeer samaroon
- makayl oo ah tafiirta subeer samaroon
- reer xaamud oo ah tafiirta subeer samaroon
- xasan sacad oo ah tafiirta subeer samaroon
- dhego weyne oo ah tafiirta subeer samaroon
- faroole oo ah tyafiirtii subeer samaroon
- cali ganuun oo ah walaalkood gobe, samaroon, jibraacin, xeebjire, iyo cumar gacalquud
waxaan filayaa in aad fahmi doonto halka aad ku xidhiidho hadaad ka soo jeedo beesha gadabuursi.
waxaa qoray cabdicasiis cabbaas xuseen dixood
kala xixiiidh wixiii faah faahina
EMAIL ;_
Geoyan2014@gmail.com
geoyan2014@yahoo.com
geoyan2014@hotmail.com
geoyan2014@outlook.com
geoyan2014@twitter.com
geoyan2007@gmail.com
geoyan2014@yahoo.com
geoyan2014@hotmail.com
geoyan2014@outlook.com
geoyan2014@twitter.com
geoyan2007@gmail.com
CALL +251915103442
+251933274720
+251933274720
Comments
Post a Comment