Skip to main content

Gabaygii Tacaliin by c/casiis cabbaas


Gabaygii Tacaliin

Taariikhdu waa shay dunida laga tix raacaaye

Tagto iyo middii taagan iyo tan nagu soo fool leh

Sadexdaba dadbaa tebiya oo laga tibaax daaye

aqoonyahanku waa tiirka aan tahan ku gaarnaaye

Tacaliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha



Tegnaaloojigaad aragtay oo lagu taxaashaayo

Telefoonka iyo taararkiyo weliba tiifiiga

Waxa aalad lagu taba bartoo nolosha taabaya

Aqoonyahan tijaabiyay ayaa tiigsadoo helaye

Tacalliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha



Tafsiirkiyo quraan iyo xadiis toobad lagu raadsho

Taajkiyo riyaadkiyo kitaab diinta nagu toosin

Tiirkii islaamkiyo sharciga nalaku taageeray

Aqoonyahanka soo tabiyaybaa taabay oo wadaye

Tacaliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha



Tifaf tiraha weriyaha ah oo meel walababa taagan

Tiifiiga iyo raadiyaha wararka teeleeya

Tixda gabayga heesaha tashiga iyo is taageerka

Aqoon yahanku tiirkuu muday taagsanahayaane

Tacalliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha



Tartankiyo adduunkaan ku jira tabac usoo saarka

Hubka toogashada iyo biraha togaya liishaanka

Beeraha turaabtaa kabadan dalaga noo tuuran

Aqoonyan tijaabadi ayay ugu tis qaadeene

Tacaliin hadii aanay jirin tacadi soow maaha



Tawstiyo xanuunada jiroo taranka aafeeya

Tabartaada oo liidatiyo taaha kugu raagay

Takhtar kaa daweeyaa jiroo taabled kuu qirine

Aqoonyahanku tacab buu ka maray wuuna tiigsadaye

Tacaliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha



Afartaas tabtii jaamiciga toos ma ugu yeeray

Ma turjumay sidii wiil khartuum tagay iskuulkeeda

Ma talaalay sidii geed kuyaal tog iyo meel ciida

Afar kalana talo weeye aan idinku taageeray



Nimaan taaban beerkiisa oo gaajo taftaafin

Tabartiisu ruux aysan lumin tawsna ku abaadin

Todobaado wiil aan qadino tobon aqool waayin

Ma tanaado oo waalidkiis toog sheelsado,e

iska tiirsha eebbahay cilmiga idibnku taagee

Comments

Popular posts from this blog

Lafaciise

gadabuursi iyo samaroon waa laba magac oo kala duwan laakiin dadka qaar waxay u haystaan inuu hal magac yahay .gadabuursi waxaa la yidhaa marka samaroon walaalihii lagu daro , samaroon walaalihiina waa  IBRAAHIM SICIID  oo ah gobe, JIBRIIR SICIID  oo ah jibraacin , CUMAR SICIID  oo ah cumar gacalquud,  IYO XEEBJIRE  SICIID  INTAAS WAXAA LA ISKU YIDHAA GADABUURSI. samaroon wuxuu u kala baxaa  YUSUF SAMAROON  waa curadkii samaroon oo waxaa loo yaqaan habaryeesif, CIISE SAMAROON  waa reer ciise, SUBEER SAMAROON  iyo MAKADOOR SAMAROON afartaas nin waxaa ay yihiin ilmo samartoon . markaa sidaas ayey u kala duwan yihiin samaroon iyo gadabuursi. samaroon waxaa koriyey walaalkii ka weyn markuu aabihii dhuntay isagoo jira 5 sanno, waxaa kuriyey gobe siciid oo ah curadkii siciid  .gobe wuxuu mudanyahay  in ilma samaroon ay ixtiraamaan oo ay sharfaan waayo waa aabahood oo kale isaga ayaa koriyey walaalkii samaroon . cumar siciid dad badan oo gadabuursi ah ayaan garanaynin  sidaas darte

lafciise

→ lafciise →waxay ku talaa banka jigjiga waxay u dhaxaysaa magaalooyinka awbare iyo jig jiga magaalada jig jiga waxay u jirtaa 25 km magaalada awbare na waxay u jirtaa 40 km Magaaladu waxay caan ku tahay beeraha iyo xoolaha  waxbrashada runtii waa magaalo taariikiya. Magaaladu waxa ka koobantah ay 6 xaafadood oo aad u waaweyn ,magaaladu waxay kacabtaa ceelasha riiga looyaqaan ,dadaka qaarna waxay u gashan qasabadaha qaarna waxaa loogu dhaamiyaa dameeraha ceelasha riiga waxay ka koo banyihii 7 ceeel halka mid yahaya mid private ah Xaga kooraanka ama laydhka waxaa ku jira laydhka ethiopia waana habeen iyo dhar aar kamago,o Lafaciise waxay hoostegtaa degmada awbare ee gobolka faafan  waxay leedahah sadex  dugsi  dugsiga sare iyo ka hoose dhaxe iyo mid saexaad ooo ah  1-4 oo tayadoodu sarayso macalimiin utabo barana le sidaan wx ugaga soo bartaya cabdicasiis cabbaas ka ahaan  sanda kasta waxaa dugsiydeeda ka qalin jaiya ilaa heer jaamacadeee arday gaadhysa 400 ayaa lagu qi