Skip to main content

Posts

Showing posts from May, 2018

Gabaygii Tacaliin by c/casiis cabbaas

Gabaygii Tacaliin Taariikhdu waa shay dunida laga tix raacaaye Tagto iyo middii taagan iyo tan nagu soo fool leh Sadexdaba dadbaa tebiya oo laga tibaax daaye aqoonyahanku waa tiirka aan tahan ku gaarnaaye Tacaliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha Tegnaaloojigaad aragtay oo lagu taxaashaayo Telefoonka iyo taararkiyo weliba tiifiiga Waxa aalad lagu taba bartoo nolosha taabaya Aqoonyahan tijaabiyay ayaa tiigsadoo helaye Tacalliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha Tafsiirkiyo quraan iyo xadiis toobad lagu raadsho Taajkiyo riyaadkiyo kitaab diinta nagu toosin Tiirkii islaamkiyo sharciga nalaku taageeray Aqoonyahanka soo tabiyaybaa taabay oo wadaye Tacaliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha Tifaf tiraha weriyaha ah oo meel walababa taagan Tiifiiga iyo raadiyaha wararka teeleeya Tixda gabayga heesaha tashiga iyo is taageerka Aqoon yahanku tiirkuu muday taagsanahayaane Tacalliin haddii aanay jirin tacadi sow maaha Tartankiyo adduunkaan ku jira tabac usoo saarka Hubka toogashada iy